Ticker

9/recent/ticker-posts

TARBIYADA DAB-DAMISKA AH

 




Tarbiyada Dab-damiska ama Gurmadka ee Ilmaha


Tarbiyada dab-damiska ama gurmadka waa hab tarbiyeed oo waalidka ama macallinka uu u dhaqmo sidii dab-damiye ama qof gurmad ah. Tani waxay ka dhigan tahay in waalidku ama macallinku uusan wax badan ka hortagin dhibaatooyinka ilmaha balse uu kaliya soo faro-galiyo marka wax xumaadaan.

 

Astaamaha Waalidka ama Macallinka Gurmadka ah:

1. Wax ka qabasho kadib dhibaatada:

 Ma hor istaago dhibaatooyinka, balse wuxuu u dhaqmaa marka ay wax xumaadaan.

2. Ma siiyo ilmaha jihayn joogto ah:

Ilmuhu ma helo xeerar iyo xadad cad, markaa wuxuu u dhaqmaa sidii uu rabo ilaa laga soo faro-galiyo.

3. Kaliya markay arrintu faraha ka baxdo ayuu ficil qaadaa:

4.  Marka ilmaha wax xun sameeyo, waalidku ama macallinku wuxuu si dhaqso ah uga falceliyaa, mararka qaarna xanaaq badan ayuu muujinayaa.

 Ilmuhu ma barto mas'uuliyad iyo xalinta dhibaatooyinka:

 Sababtoo ah markasta waalidka ama macallinka ayaa xallinaya wax walba.

5. Ma jiro xasillooni iyo is-waafajin ku filan:

 Mararka qaar aad buu u adag yahay, marna aad buu u jilicsan yahay, taasoo ilmuhu ku wareero.

Farqiga u Dhaxeeya Macallinka/Waalidka Gurmadka ah iyo Midka Ka-hortagga sameeya:

1, Waalidka ama macallinka ka hortagga sameeya wuxuu horay usii dhigaa xeerar cad, wuxuuna ilmaha baraa inuu qaato mas’uuliyad.

2, Waalidka ama macallinka gurmadka deg dega  ah sameeya wuxuu sugaa in wax dhacaan, kaddib ayuu xallinayaa.

Sidee Looga Baxaa Tarbiyada Gurmadka ah?

1, Dhis xeerar iyo sharciyo cad oo ilmuhu raaco.

2, U diyaari ilmaha inuu xalliyo dhibaatooyinkiisa halkii aad adigu markasta xallin lahayd.

3, Si joogto ah ula soco ilmaha oo si tartiib ah u toosi.

4, Marka wax dhacaaan, si daggan oo xikmad leh wax uga qabo, halkii aad si deg-deg ah uga falcelin lahayd.

5, Ku dhiirrigeli ilmaha inuu noqdo qof mas'uul ah, oo aan ku tiirsanayn gurmad joogto ah.

Habkani wuxuu ilmaha ka caawinayaa inuu noqdo qof is-maamuli kara, kalsooni leh, oo si sax ah u fahma xeerarka nolosha.


Post a Comment

0 Comments