Ticker

9/recent/ticker-posts

BAAHIYAHA BINI AADAMKA IYO SIDA AY U KALA MUHIIMSAN YIHIIN



Baahiyaha bini’aadamku waa kuwo aad u ballaadhan oo aan si fudud loo koobi karin, maadaama nolosha aadamuhu ay tahay mid isku dhafan oo ka kooban dhinacyo jireed, maskaxeed, bulsheed iyo ruuxeed. Qofka bini’aadamka ah mar walba waxa uu ku jiraa xaalad raadis ah, isagoo doonaya in uu daboolo baahiyo kala duwan oo noloshiisa lagama maarmaan u ah. Baahiyahani ma aha kuwo isku mar wada yimaadda, balse waxay u kala horeeyaan si nidaamsan, iyadoo baahi kasta ay gogol xaadh u noqoto tan xigta.

Culimadu iyo aqoonyahannadu waxay baahiyaha bini’aadamka u qaybiyeen saddex qaybood oo waaweyn:


1.Baahiyo daruuri ah (aas-aasi ah)

2.Baahiyo dhexdhexaad ah,

 3.horumarin iyo kaamilnimo la xidhiidha

Qofka doonaya in uu noloshiisa gaadhsiiyo heer maqaam sare ah, isla markaana ka faa’iideysta kartidiisa iyo hibadiisa, waa in uu helo dhammaan heerarkan baahiyaha ah. Haddii baahiyaha hoose la waayo, kuwa sare marnaba si dhab ah looma gaadhi karo.

1. Baahiyaha Aas-aasiga ah (Physiological Needs)



Baahiyaha aas-aasiga ah waa kuwa ugu horreeya uguna muhiimsan dhammaan baahiyaha kale. Waxay ka mid yihiin cuntada, biyaha, hurdada, neefsashada, iyo baahiyaha kale ee jidhku si toos ah ugu baahan yahay si uu u noolaado. Qof aan helin baahiyahan ma awoodo in uu si caqli ah u fikiro, u qorsheeyo mustaqbalkiisa, ama u hawlgalo horumar nololeed.

Diinteena suubban ee Islaamka ayaa si weyn uga hadashay muhiimadda baahiyaha aas-aasiga ah. Nebi Muxammad (NNKH) waxa uu xusay in jidhku leeyahay xaq uu ku leeyahay qofka, sidaas darteedna aan la dayici karin cuntada, nasashada iyo caafimaadka. Islaamku ma aha diin diiradda saarta oo keliya aakhiro, balse waa diin isku dheelli tirta nolosha adduun iyo tan dambeba.


2. Baahida Nabadgelyada iyo Ammaanka (Safety and Security Needs)


Marka uu qofku helo baahiyaha aas-aasiga ah, baahida labaad ee si dabiici ah u soo baxdaa waa ammaan iyo nabadgelyo. Ammaanku waxa uu noqon karaa mid jireed, mid maskaxeed, mid dhaqaale ama mid bulsho. Qofka bini’aadamka ahi waxa uu u baahan yahay in uu dareemo in noloshiisu ay badbaado ku jirto, in hantidiisu ammaan tahay, in qoyskiisu nabad ku nool yahay, iyo in mustaqbalkiisu aanu mugdi ahaynQof aan ku seexan karin nabad, aan hubin in uu subaxda kusoo  toosi doono, ama ka cabsi qaba in shaqadiisa, gurigiisa ama carruurtiisa waxyeello gaadho, ma heli karo xasillooni maskaxeed. Sidaas darteed, horumar kasta oo kale wuu istaagayaa.
Arrintani waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta bulshooyin badan oo Muslimiin ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Tobannaan sano oo colaad, barakac iyo hubanti la’aan ah ayaa sababay in malaayiin qof ay waayaan dareenka nabadgelyo. Dhalinyaro tiro badan oo leh maskax furan, hibbo iyo rajooyin waaweyn ayaa ku qasbanaaday in ay ku mashquulaan kaliya sidii ay u badbaadi lahaayeen, halkii ay ka fikiri lahaayeen hal-abuur, waxbarasho iyo horumar bulsho.

3. Baahida Jacaylka, Xidhiidhka iyo Ka-tirsanaanta (Love and Belonging Needs)


Marka ammaanka la helo, bini’aadamku waxa uu u gudbaa baahi kale oo aad u muhiimsan, taas oo ah in uu helo cid uu ku tiirsanaado: qoys, ehel, saaxiibo, bulsho iyo xidhiidh lamane. Qofku waa makhluuq bulsho ah, kaligiina ma noolaan karo. Baahida ah in la jeclaado, la qadariyo, lana dareemo in qofku meel ka tirsan yahay waa mid si qoto dheer u saameysa nafsi ahaan.

Islaamku waxa uu aad u adkeeyey xiriirka qoyska, deriska, iyo walaalnimada Muslimiinta. Xadiisyo badan ayaa tilmaamaya in qofka Muslimka ahi aanu dhamaystirnayn iimaankiisa ilaa uu walaalkiis u jeclaado waxa uu naftiisa u jecel yahay. Tani waxay muujinaysaa in baahida bulsheed aysan ahayn arrin ikhtiyaari ah, balse ay tahay tiir muhiim u ah nolol caafimaad qabta.


4. Baahida Karaamada, Qiimaha iyo Hiigsiga (Esteem and Achievement Needs)


Heerkan afraad, bini’aadamku waxa uu bilaabaa in uu raadiyo qiimeyn, karaamo, iyo in la aqoonsado. Qofku waxa uu doonayaa in uu noqdo mid wax ku ool ah, wax ku soo kordhiya nolosha, isla markaana dareema in dadaalkiisu miro dhalayo. Hiigsigu waa awoodda qofka ku kallifta in uu ka baxo heer caadi ah, una guuro heer sare.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee fursad helay marka ay nabad, waxbarasho iyo dhiirigelin helaan, waxay muujiyeen in ay gaadhi karaan guulo waaweyn, gudaha iyo dibaddaba. Taasi waxay caddeyn u tahay in kartidu jirto, balse caqabaduhu ay yihiin kuwa la xiriira baahiyaha hoose ee aan la daboolin.

 

5. Is-Dhamaystirka Nafsiyeed (Self-Actualization Needs)


Tani waa heerka ugu sarreeya ee baahiyaha bini’aadamka. Waa marka uu qofku gaadho heer uu ka faa’iideysto kartidiisa oo dhan, u adeego bulshada, u hal-abuuro, una noolaado nolol ujeeddo leh. Qofka heerkan gaadhaa ma aha mid ku mashquulsan kaliya naftiisa, balse wuxuu noqdaa mid wax ku biiriya horumarka guud ee bani’aadamka. Diinta Islaamka, is-dhamaystirku waxa uu la xidhiidhaa in qofku garto ujeeddada loo abuuray: cibaadada Alle iyo camal suuban. Marka baahiyaha hoose la daboolo, qofku waxa uu helayaa fursad uu ugu adeegayo diintiisa, dadkiisa iyo bani’aadamka guud ahaan.

 

 
Maslow’s Hierarchy of Needs:


Culimadii reer galbeedka ee ku xeeldheer cilmiga cilmi-nafsiga (Psychology) waxay soo bandhigeen aragti caan ah oo la yidhaahdo Maslow’s Hierarchy of Needs, taas oo uu dejiyey Abraham Maslow sannadkii 1943. Aragtidan waxay sharxaysaa sida baahiyaha bini’aadamku u kala horeeyaan, taas oo si la yaab leh ula jaanqaadaysa mabaadi’da Islaamka.waxaa jira axadith badan oo uu nabigu kutimaamayo  ahmiyada ilaalinta xuquuqda aadamaha, ilaalinta nabadgaliyada dadka, dhulka oo aan la fasahaadin, maalkooda iyo cirdigooda inla ilaaliyo loona nabadgaliyo sharaftooda.

Inkasta oo Maslow uu ka hadlay dhinac cilmi maadi ahaan, Islaamkuna uu ka hadlay dhinac diini ah, haddana labaduba waxay isku raacsan yihiin in baahiyaha hoose la daboolo ka hor inta aan la gaadhin kuwa sare, xaqiiqduna waxay tahay in uu islaamku yahay kii bilaabay cilmikasta, caalimkasta oo wax qorayna diinta islaamka ayuu kasoo qaaday gaar ahaan quranka iyo xadithka.

Gunaanad

Gabagabadii, baahiyaha bini’aadamku waa silsilad isku xidhan oo midba midka kale ku xiran yahay. Qof aan helin baahiyaha aas-aasiga ah iyo nabadgelyada ma gaadhi karo horumar maskaxeed, mid bulsho ama shakhsi ahaan ba. Taasi waa sababta ay muhiim u tahay in cidda Alle u dhiibay masuuliyadda hoggaamineed ay mudnaan siiyaan sugidda nabadda, caddaaladda, iyo daryeelka muwaadiniinta.

Haddii nabad la helo, baahiyahaasi  si dabiici ah ayay u soo ifbaxayaan, bulshaduna waxay yeelanaysaa fursad ay ku horumarto, kuna gaadho heer ay ku faanto diinteeda, dadkeeda iyo dalkiiba.




Post a Comment

0 Comments