Ticker

9/recent/ticker-posts

7da CAADO EE AY LEEYIHIIN DADKA GUULAYSTAY



Hordhac:

Qofkastaa inuu horumarka noloshiisa  xaqiijiyaa  waxay kaaga baahantay inaad hesho aqoon ku hagta ama khibrad ku hagta hadaba qodabadan hoos ku xusan waxaan ku sharaxi doona todoba caado  oo ka mid ah, calaamadaha ama caadooyinka ay leeyihiin dadka guulaystay.

Dunidaan quruxda badan ee aan ku dhexnool nahay, una jeedno siday u camirantay, dhismo iyo aqoonkasta oo ka socda dadbaa layimid oo ka faaiidaystay wakhtigoodii iyo maskaxdii uu Allah  ugu deeqay. Waxaa la isku dhaafayna maaha nasiib iyo dhaxal kaliya, balse waa rabitaan, iyo dadaal hansare leh oo aanay joojin.


Q1aad .  Adigu hogaamiye ka noqo Noloshaada:

Noqo qof diyaar u ah inuu qaado  masuuliyada noloshiisa, dadka noocan u dhaqmaa waa dadka looyaqaano  'Masuuliyiinta ama iyagu hogaanka u haya noloshooda'  waxay yaqanan masuuliyadooda  ma dhaleeceeyaan xaaladaha , qaladkoodana cidkale kuma dhaleceyan, cimilada iyo wakhtiguna ma hogaamiyo, waxay ogyihiin inay iyagu dooran karaan hab dhaqankooda ay kula dhaqmayaan naftooda iyo dadka kaleba.

 Taa waxaa ka soo hor jeeda dadka markay wax dhacaan uun ka falceliya, oo suga ilaa intay wax qaribmayaan, sida mushkilad ama faqri iwm, waxaa saamaynku leh waaqica ku xeeran iyo hadba duruufaha ay kujiraan. Sida cimilada, Duruuf dhaqaale ama dakhligooda oo wanaagsan, waxaa caadooyinkooda kamida inay ufududahay inay dadka kale dhaleeceeyaan.

Hadii cimiladu fiicantahay maalintaas iyaga dhan way fiicanyihiin waxqabadkooduna wuu fiicanyahay, hadiise cimiladu adagtay waxay saamaynaysaa  aragtidooda iyo  wax sosaarkooda  iyagoo cimilada usababaynaya, waa dad waalaac badan , waa dad isku mashquuliya waxyaalaha ayna waxba ka qaban Karin.

Dhamaan culays yada baananka inagaga imanayaa  waa kuwo inagu kiciya inaan ka jawaabno , jawaabtaasina  waxay noqotaa  2daas  qodob ee aan kor kusoo xusay mid uun.hadaba dadka noloshoda iyagu Hogaanka uhayaa waa dadka cimilada iyo duruufaha maalinlaha ah ee ka hor imanayaa hore usii qaata oo ayka mid noqoto qayb noloshooda kamid ah, halka dadka kale wakhtigooda iyo awoododa jidh ahaneed iyo mida maskaxeedba hoos udhac kuyimaado  siday ugu mashquulsanyihin wax aanay waxba ka qabankarin.

Q2aad: Halka udanbaysa ee aad ka fikirtaa hanoqoto Maskaxda:

Waxaan uga jeedna marka hore waa in hadafkaagu uu noqdaa mid aad ka baarandegtay, kuna bilowday hadaf dheer oo sawirkiisu kuu muuqdo maskaxduna tahay Meesha udanbaysa ee aad kasoo  saarto, waxa labaad ee kuxigaa waa ficilka ama waxqabadka, halka la isku dhaafayna waa 2daas oo aan wada soconin, waxaa jira oo badan dadka hadafyada nolosha ay quluubtooda ka guuxayaan balse aan ficiladii la imanaynin, ama dadka dadaalkii ka dhamaaday lakiin aan qorsho ama hadafkoodu cadayn oo aan garanaynin Meesha ay usocdaan ama waxa ay hiigsanayaan.

Q3aad. Shayga ugu horeeya ugu horeysii(Muhiimadsiin).

Caadadan  sadexaaad waa Meesha ay ku kulmaan caadada 1aad iyo midii 2aad ee aan soo sheegnay.  Waxay socotaa maalinkasta iyo wakhti kasta, waxayna  diirada saartaa suaalo badan oo kusaabsan maamulida wakhtiga. Balse taas kaliya maaha , caadada 3aad waxay muhiimada saartaa maamulka nolosha oo dhan, ujeedada nolosha, ujeedada aad wax uqabanayso, ama hadafka aad kaleedahay waxa aad qabanayso, doorka nolosha, iyo sida aad ukala muhiimadsiiso arimaha noloshada. Waa maxay shayga ugu horeeya?

Shayga ugu horeeya ee noloshaada waa waxa qiimaha weyn ugu fadhiya ama mustaqbalkaaga isbadal wanaagsan u horseedikara.Hadaba halkan waxaa lagaaga baahanyey inaad muhiimada 1aad iyo labaadba siiso dadaalkagana galiso. Si aad uga midha dhaliso hadafkaagii, waana Meesha ay tahay inaad ku baraarugsanaato inaad hadafkaaaga waxkasta ka hormariso, una kala hormariso siday ukala muhiimsanyihiin.

Baraarujin gaara: had iyo jeer marka laleeyahay waa inaad hadafkaaga shaykasta ka hormarisaa taas macnaheedu maaha inaan isku qaladno shay waajib ah iyo  ahdaafta  dheeriga ah ee nolosheena aan ku horumarinayno, tusaale qofbaa haysta  Qoys ama dad uu masuulka yahay oo isaga waajib ka saaranyey dhinackastaba,Hadaba   maaha inaad waajibkii dayacdo oo aad tidhaahdo waxaan  hormarinayaa hadafkale oo sunne ah ama mubaax ah, balse waa inanad dayacin waajibaadka waa weyn,markastana noloshu waxay ku quruxbadantay marka loo raaco sidii Allah iyo rasuulkiisu ina fareen.

 Q4aad. Caadada Guusha labada dhinac ah.

Ufikir si wada jira inaad uguulaysataan, noloshu maaha  fiicnan uun ama in si dhibyar oo dhakhso ah  waxlagu gaadho,waa hab-dhaqan  ku dhisan wada shaqaynta aadamaha.

In badan oo naga mid ahi waxaanu nafteena ku qiimaynaa barbardhig aynu barbar dhigno ama la tartansiino dadkale. Dadka qaarna waxay ufikiraan guulaysashadu inay tahay markuu qofkale dhaco ee aad adigu ama anigu guulaysto,hadaba waxaad ogaata taas kuma jirto guusha iyo wanaaga dhabta ahi ee diintuna ina farayso  sidii uu dhahay nabigu scw(Midkiin iimaan malaha ilaa uu walalkiis la jeclaado waxa uu naftiisa lajecelyahay)hadaba markaad isbarto caadada wadada guulaysiga oo ah inaad guusha aad doonayso dadka kalena la jeclaatid waa mid qurxoon oo u muuqata nolol wadashaqayn iyo is caawini kujirto. Sidookale waxay samaysaa dhadhan gooni ah, tusaale, hadii aad cunto macaan soo samayso adoo aad ugu baahan oo aad sifiican ugu soo diyaar garowdo cunideeda hadii qofbaahani kula soo kulmo oo aad wadaagtaan  sifiicana idiinku filnaato,waxaan shaki kujirin inaad farxad dheeri ah dareemayso sababtuna waa farxada qofka kale uu kula dareemay ee quluubta ka imanaysa. Hadaba waa sidaas iyo sika siifiican noloshu markay kudhisantay guusha wada jirta( win-win situation).

Q5.Xirfada isgaarsiinta.

  Caadooyinka dadka guulaystay waxaa ka mida  waxay leeyihiin  (  the habit of Empathic Communication) taas oo looga jeedo  inay leeyihiin caado  kudhisan dareen damqasho iyo fahan ku dheehanyahah leh oo ay dadkale kula hadlaan, waa dad isku daya inay dadka kale fahmaan horta intaanay raadin in iyaga markiiba lafahmo. Wada hadalka aadamahu waa xirfad kamida xirfadaha ugu muhiimsan nolosha aadamaha. Waxaa laga dhacda in aan wakhti badan  kubixino barashada wax akhris, wax qoris, iyo barashada xirfade kale oo nolosheena kusoo kordhino balse xirfada wada hadalka aadamaha  iyo is dhageysiga waxaa lagayabaa inaynaan muhiim u aragba. Ma haysataa xirfad kuu saamaxda inaad qof si qoto dheer ufahanto?

Q6aad.  Iskaashi.

Caadoyinka dadka guulaysatay waxaa kamida inay leeyihiin  xirfad wada shaqayn.

Waa dad dadka kale wax abuur iyo wada shaqayni dhexmari karto, waa dad maskax furan raadiya xalinta mushkiladaha, hadaba taasi si aad ugaadhaan maaha mid iyaga kalidood ku kooban, waa shaqo ubaahan wadajir  iyo in dadkala duwani isukeenan maskaxo kala duwan iyo khibrado kala duwan.Sida layidhi( 2 maskaxood waxay ka fiicanyihiin 1 maskax/ Caqli kaamaqan wuxuu kujiraa maskaxda wlaalkaa). Maskaxo kala duwani markay isu tagaan waxay soosaran antijoins wax ku ool ah, dadku markay wada shaqeeyaan waxay kala dhaxlaan khibrado kala duwan, aqoon, iyo waayo aragnimo. Waxaad yeelanaysaa dhexgal bulsho sidookale waxaa laga yabaa inuu dulqaadkaagu bato maxaa yeelay waxaa tahay qof la dhaqmay dabeecado kala duwan.

Hadaba adiga dadka ma u qiimaysaa kala duwanaanshahooda Maskax ahaan,Dareen ahaan iyo nafsi ahaanba? Mise waxaad  jeceshay in qofkastaaba adiga fikirkaaga kugu raaco?

Q7aad.

Miishaarta in markasta dibloo afeeyo macnaheedu waxaa weeye ilaalin iyo  kor looqaado waxqabadkeeda, hadaba  qofka doonaya inuu noloshan hadafyo ka gaaadho waxaa lagama maarmaan ah   inaan  dib isku cusboonaysiino, si aan waxqabad tayo leh ula nimaadno, hadafyada muhiimka ahna uga midha dhalinkarno waa in aan nafta 4 qaybood ka baraarujinaa si joogta ah , kana warqabnaa si joogta ah, dibna u cusboonaysiina si joogta ah, 4 taas qaybood waa  Maskaxda, jidhka, dareenkaga iyo dhanka bulshada. 4taas oo aad kudadaasho  kana warqabto ilaalintooda iyo  daryeelkooda, kafogaanta fikradaha iyo dadka kuukeenaya niyad jabka iyo hoos udhaca waxay kuu sahlayaan  inaad la timaado isbadal iyo koritaan  kuyimaada noloshaada dhinacyo badan. Sidookale 4taas qaybood ee jidhkaaga iyo naftaada ah daryeelkooda iyo ka warhayntoodu wuxuu kuu sahlayaa inay kuu shaqeeyaan 6dii qodob ee aan kor kusoo sheegnay. Dib u cusboonaysiin la’aanteed  jidhkaagu wuu daciifaya, maskaxdu way kacaajista ama jidkii ayey ka lumaysaa, shucuurtuna waxay noqotaa mid qaydhin ah oo aan u bislayn  hadafka.

 

Fikirkaaga iyo wixii  su aal ah hoos noogu reeb .

Mahadsanidiin

 

Post a Comment

0 Comments