Ticker

9/recent/ticker-posts

KALSOONIDA NAFTA

 

 

KALSOONIDA NAFTA

Waxaan ku guda jirnaa casharadeenii kobcinta garaadka iyo baraarujinta bulshada. Qormadan waxaan ku iftiimin doonaa qaybaha ay u kala baxdo fikirka aad naftaada ka aamintay iyo sida kalsoonida nafta u tahay tiir muhiim u ah nolosha. Kalsoonida nafta waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee ayku dhisanto shakhsiyadda qofka, kana dhiga qof leh awood uu ku dhexgalo bulshada isaga oo aan cabsi dareemin.

Qof walba, ha ahaado qof yar ama qof weyn, waxa uu u baahan yahay kalsooni uu isku qaddariyo. Waa quruxda muuqaalka gudaha ee qofka, waana waxa suurto geliya inuu qofku ku dhiirrado horumar, isbeddel iyo isku day cusub. Haddii aan kalsoonida nafta la haysan, wuxuu qofku dareemaa daciifnimo, cabsi, iyo xanuuno nafsiyadeed oo u diidi kara inuu nolosha ku hor maro.

Kalsoonida nafta marka si kooban loo qeexo waa awoodda aad u leedahay inaad iska aaminto in aad wax qaban karto, aad ku dadaali karto, oo aad noloshaada isbeddel wanaagsan ku sameyn karto. Qofka kalsoonida leh waa mid ku dhiirrada inuu ku socdo yoolkiisa, in kastoo caqabado iyo dhaleecayn ay jiraan.

Waxaa jira dad badan oo raba inay yoolal waaweyn gaaraan ama noloshooda hagaajiyaan, balse waxaa dib u celisa kalsooni yari iyo cabsi gudaha ka soo baxda. Kalsooni yaraantu ma aha wax qofka ku dhalata lagamana dhaxlo cid kale. Waa wax kordha ama yaraada iyadoo ku xiran afkaarta iyo fikradaha aad maskaxdaada ku shubto. Haddii aad naftaada ku quudiso dhiirigelin, isku day, barasho, iyo fikir wanaagsan — kalsoonidu way kobcaysaa. Haddii aad la kulanto dad dhaawaca shucuurtaada, ku niyad-jabiya ama iyaguba aan kalsooni lahayn, waxaa dhici karta inaad adiguna lumiso kalsoonidaada.

SAWIRKA AAD NAFTAADA KA AAMINSANTAHAY

Fikradda ama aragtida nafta (self-concept) waxay u qaybsantaa saddex qaybood oo waaweyn. Qaybahani waa tiirarka dhisa fahamka aad naftaada ka qabto iyo sida aad u dhisato kalsoonidaada.

1. Sida aad naftaada u aragtid (Self-image)

Tani waa sawirka aad naftaada ka haysato muuqaal ahaan. Waxa ay ka koobantahay aragtida aad ka qabto jidhkaaga, dabeecaddaada, iyo astaamahaaga guud. Tusaale ahaan, waxaad tahay qof 20 jir ah, dherer ahaan 5.4 ah, maqaar ahaan mariin ah, qoor dheer, indho madow, timaha dheer — waa sida aad jidh ahaan naftaada u sharaxi karto. Sawirka aad naftaada ka aragto waa meesha ugu horreysa ee kalsoonidu ka soo farcamayso.

Qofka aan ku qanacsanayn muuqaalka uu Alle siiyay wuxuu la kulmaa niyad jab, ceeb iyo is’hiifid u horseeda in uu ka cararo bulshada. Halka qofka is aqbalaa uu noqdo mid ku faraxsan jirkiisa, sida uu u egyahay, iyo sida uu u kobcin karo wixii uu beddeli karo. Inaad naftaada ku qanacdo ma aha kibir; waa faham iyo aqbalaad aad u hayso abuurkaaga.

2. Sida aad jeclaan lahayd inaad noqoto (Ideal self)

Tani waa nafta aad riyo ahaan ku aragto — sida aad jeclaan lahayd inaad noqoto. Qof kastaa wuxuu leeyahay riyo uu naftiisa ku arko: qof dheer, qof dabeecad fiican leh, qof qalin leh, qof maalqabeen ah, ama qof bulshada qiimo ku leh.

Laakiin waa muhiim inaad kala garato meelaha aad wax ka beddeli karto iyo meelaha aan wax laga beddeli karin. Tusaale ahaan:

  • Dhererkaaga waxba kama beddeli kartid. Waa inaad aqbashaa.
  • Miisaanka, caadooyinka, aqoonta, dabeecadda, iyo noloshaada guud — waa wax aad kor u qaadi karto oo aad beddeli karto.

Haddii aad buurantahay, waad yarayn kartaa. Haddii aad leedahay dabeecad dadka dhibta, waad hagaajin kartaa. Haddii aad leedahay caadooyin xun, waad beddeli kartaa. Haddii aad leedahay riyo iyo hadaf, waad gaadhi kartaa. Laakiin haddii aad isku mashquuliso wax aanad beddeli karin, waxaad luminaysaa waqtigaaga iyo kalsoonidaada.

3. Sida aad naftaada u qiimeyso (Self-esteem)

Qaybtani waa qodobka ugu muhiimsan ee dhismaha shakhsiyadda. Waa sida aad naftaada u qiimeyso, u jeceshahay, u aqbashaa, iyo sida aad u tixgeliso muhiimadda aad leedahay. Qofka is jecel waa qof ku qanacsan dabeecaddiisa, astaamihiisa, aqoontiisa, iyo qaab-dhismeedka Alle siiyay. Wuxuu ogyahay inuusan qofna ka qumanayn, qofna ka liidanayn — balse uu yahay qof gaar ah, oo leh qiime u gaar ah.

Waxa dhacda in dadka qaar ay ku qiimeeyaan naftooda aragtida dadka kale. Haddii qof kuu yeedho magac xun, waxaad u qaadataa inay dhab tahay. Haddii qof ku dhaleeceeyo, waxaad bilaabaysaa inaad shakiso:
“Anigu ma qof xun baan ahay?”,
“Sidee baan dadka ula muuqdaa?”,
“Maxay iga aaminsan yihiin?”

Marka uu qofku sidaas noqdo, kalsoonidiisa maalintii ayaa burburta. Qofka ku mashquula fikrada dadka kale kama faa’iidaysto noloshiisa.

Haddaba waa inaad ogaataa:
Qiimahaaga waxa go’aamiya adiga, ee ma aha dadka kale.

Haddii aad mar kasta naftaada dhaliisho, waxaad dhaawaceysaa maskaxdaada, qalbigaaga, iyo mustaqbalkaaga. Laakiin haddii aad isku naxariisato, khaladkaaga cafiso, oo aad fahanto in aad bani’aadam tahay oo khalad sameyn karta — waxaad dhisaysaa naftaada.

Xusuusnow, Alle subxaanahu watacaalaa waa mid adkaaday oo naxariis badan. Waxa uu qirayaa bini’aadamka inuu khalad sameeyo, hadana uu u furay albaabaka towbada iyo cafiska. Haddaba maxaad adigu naftaada u ciqaabi lahayd?, u dhaliili lahayd?, ama u quursan lahayd?

KALSOONIDA IYO QANAACADA ABUURKAAGA

Kalsoonida nafta waxaa ka mid ah inaad ku qanacdo qaabka Alle kuu sameeyay. Haddii aad tahay qof dheer, gaaban, hilboon, dhuuban, midab furan ama madow — dhamaantood waa abuur qurux leh oo Alle kuu doortay sabab. Ma jiro khalad ku jira abuurka Ilaahay.

Waxaa nasiib darro ah inay bulshada maanta ka soo batayaan dad saluugsan abuurkooda — haween iyo rag labadaba. Gabdho badan ayaa beddela dheeha Alle siiyay iyagoo raadinaya ammaan iyo aqoonsi dad kale. Rag badanna isku qasba inay noqdaan qaab uusan jirkoodu awoodin.

Laakiin maxaa kuu dambeynaya?

Walbahaar.
Isbarbardhig aan dhammaan.
Kalsooni la’aan sii badanaysa.

Jidhkaaga ha u beddelin si aad dadka kale u qanciso. Ha u sameyn inaad ka hesho “like” ama amaan. Dadku maanta way ku farxi karaan, berri way kaa tegi karaan, balse adiga iyo abuurkaaga waxaad isla joogaysaan ilaa noloshaada oo dhan.

Kor u qaad xiriirka aad la leedahay Rabbigaaga. Haddii aad Alle ku qanacdo, naftaada ayaad ku qanacaysaa. Qancida nafta waa furaha horumar, farxad, iyo caafimaad maskaxeed.

JACAYLKA NAFTAADA

Jacaylka naftaada cidna haka hormarin. Daryeelka nafta waa waajib.

Qof aan is jecelnayn cid kale ma jeclaan karo si dhab ah. Qof aan is daryeelin cid kale ma daryeeli karo. Qof aan caafimaad qabin cid kale ma caawin  karo.

Jacaylka nafta waa inaad naftaada u tahay sida saaxiibkaaga ugu fiican. Waa inaad u naxariisataa markaad khalad gasho, aad u dhiirigelisaa markaad daasho, aad u ammaantaa markaad horumar yar samayso.

GUNAANAD

Kalsoonida nafta waa mid ka mid ah hantida ugu qaalisan ee uu qofku leeyahay. Waa nalka iftiimiya jidka horumarka iyo guusha. Waa waxa kuu ogolaanaya inaad bulshada dhexdeeda si sharaf leh uga hadasho, u shaqeyso, oo aad u gaadho yoolalkaaga.

1.    Sadex qodob  oo muhiim ah  had iyo jeer xasuuso:

2.    Sawirka aad naftaada ka qabto (Self-image)
Aqbal jirkaaga iyo muuqaalkaaga. Waa hibo Allah ku siiyay.

3.    Nafta aad rabto inaad noqoto (Ideal-self)
Hadafyo dejiso, wax beddel oo horumar samee — balse ha isku dhibin wax aanad awoodin inaad beddesho.

4.    Qiimaha aad naftaada siisay (Self-esteem)
Naftaada qiimee, jecelow oo dhowr. Ha u oggolaan dadka kale inay go’aamiyaan qiimahaaga.

 xusuusnow: Ma qaldame waa Allah Adigu waa bini’aadam wax baranaya, isku hagaajinaya, oo koraya. Hore u

Post a Comment

0 Comments