Hordhac:
Sida ay qabaan culima badan oo Kutakhasusay cilmi nafsiga iyo diinteena wanaagsaniba qofku markuu dhasho ilaa markuu dhimanayo wuxuu maraa marxalado kala duwan oo hadba qofka da'adiisa uu wakhtigaas kujiro lasocda, Hadaba marxaladahaasi waxaa loo qaybiyaa 10 marxaladood balse 8 ayaa ugu muhiimsan, 8 daan marxaladood wuxu maraa qofku laga bilaabo markuu dhasho ilaa wakhtiga uu galayo marxalada gabowga.
M 1aad.
Marxalada ugu
horeysa waxay ka bilaabataa qofku markuu dhasho ilaa da'ada 3 jirka uu ka
gaadhayo ayey socotaa, marxaladani waa wakhtiga kamid ah xiliyada ugu muhiimsan ilmaha noloshiisa. Waxaa loo yaqaan afka qalaad (Trust VS
Mistrust)Waa wakhtiga uu ilmuhu ku barto inuu aduunka aamino ama cabsi ku
abuuranto sikale hadaan udhigo waa wakhtiyada uu dareeemo in aduunku meel amaan
ah yahay ama dareemo in aanu aduunku meel amaan ah ahayn.
Wakhtigaan waxaa muhiim ah ilmaha in hooyadii ama qofka
1aad ee daryeelaya aanu katagin ama laga bad badalin markuu qof kaas 1aad
sidhab ah u aamino oo dareemo amni buuxa
(Secure)kadib wuxuu bilaabayaa inuu dadka kale aanu ka baqin oo uu kudhiirado
inuu bulshada kale wajiyadooda aanu kabaqin,
Hadii ilmuhu mudadaas nasiib uhelo inuu qofka 1aad ee daryeelaya(primary
caregiver) uu si joogta ah usoo koriyo,daryeelo, jacayl badan iyo daryeel
dhinackasta ah latuso ilmahaas wuxuu dareema oo uu aamina in aduunku yahay meel
amni ah,wuxuuna ku dhiiradaa dhexgalka caruurtakale/dadkale kalsooni uu qabo
darted, dhinaca kale hadii ilmahaasi uu waayo daryeel iyo jacayl joogta ah
waxaa ku dhacda aamin daro iyo cabsi uu aduunka kaqabo iyo bulshadaba.
Marxalada 2aad
waa Ismaamul ama inuu naftiisa shaki kaqabo
(Autonomy Vs shame and Doubt)
marxaladaan waxay ka bilaabataa 18 bilood ilaa da’ada 3jirka ayey socotaa.
Marxaladaan waa marka ilmaha yar lagu tababaro
inuu isticmaalo ama tago Suuliga/Musqusha( Toilet training) Cilmi
baadhayaal badani waxay aaminsanyihiin hadii ilmaha yari uu kugulaysto inuu mamulo jidhkiisa, awoodana
inuu maamulikaro suuliga waxaa u kordhaysa inuu Naftiisa aamino, maamulikarana
waxyalaha yaryar ee uu awoodikaro inuu go’aamada ka qaato, ikhtiyaarkiisana
barto inuu wax ku maamulikaro ama goaan
kaqaadankaro.
Hadii waalidku
dhiirigaliyaan iyagoo u ogalanaya inu ilmuhuna ismaamulo wa mida ugu mudan ee
ay ku kobcayso kalsoonidiisa,garaadkiisa oo kobca. Ka baqi maayo inuu wax qaldo
haduu qaldana maaha inlagu canaanto ama dhibloogu gaysto maxaa yeelay waa
wakhtiga ugu muhiimsan ee kalsoonida ilmuhu naftiisa ku qabo la abuuro.Waxaa
muhiim ah in barbaariyuhu masuuliyad iska saaro
ilaalinta barbaarinta togan iyo ka ilaalinta barbaarinta taban, Tusale
ilmuhu wakhtigan waxay bartaan cunida cuntada, dhargashiga, waa in lagu
dhiirigaliyaa inay iyaga gacantooda
waxku cunaan haba daadiyaane, waa in dharkooda gashadaan qaar haba qaldaane,
waa ilmuhu wakhtigan ubaahanyey maxaa
yeelay saamayn weyn ayey gaadhsiinaysa
naftiisa iyo mustaqbalkiisaba xaaladaha
uu wakhtigan la kulmayo.
Marxaladkastaaba waxay udiyarinaysaa marxalada xigta.
Marxalada 3aad
waa Iniative vs
Guilt( waxay kabilaabata da’ada 3 jir ilaa 5jir wayku dhamata . da’adaan waa
wakhtiga caruurtu ay bilabaan waxbarashada aas aasiga ah aybilabaan,
marxaladaan waxaa muhiim ah inuu ilmuhu awood uleeyahay inuu masuuliyadiisa yar
ee awoodiisa ah uu qabsankaro oo aanu markasta cidku tiirsanan tusale waa inuu markuu goobta waxbarashada
joogo uu koodhkiisa,kabihiisa,cuntadiisa mamulankaro. Hadaba barbaariye waxaa
jira dad badan oo iyagu ilmaha waxkasta uqabta ee waxaan kaaga digaya inaad
adigu ilmaha uqabato waxkasta, waa waxa yar ee uuqabanayaa waxay qayb weynka
qaadanaysaa koritaankiisa maskaxeed, kiisa jidheed iyo garaadkiisaba.
Marxalada 4aad.
Maxaladaan waxay
bilaabataa da’ada 5jir waxayna ku dhamaata ilaa 12jirka. Heerkani waa wakhtiga
ay caruurta schoolka ama waxbarashada
hoose kujiraan ee tarbiyada laga dhiso, waana wakhtiga ay inta badan abuuranto
shakhsiyadooda, waa wakhti loo baahanyey in macaamil wanagsan iyo tusaalo
wanaagsan ayhelaan, haday noqotpo dhinaca guriga iyo bay’adaba. Marka
marxaladan ilmuhu kujiro hadii cida
gacanta kuhaysa sida waalidka ama cida korinaysa iyo macalimiintiisu kucaawiyaan inay farxadgaliso waxqabadkiisu,
waxsoo saarkiisuna fiicnaado wuxuu helayaa khibrad wanaagsan oo uu
kalsoonidiisu kudhisanto wiil iyo gabadhkuu ahaadaba wuxuuna helaya awood uuku
aamino naftiisa iyo kalsooni gudaha ah, balse dhinaca kale hadii uu kala kulmo
iskuulka/ Dugsiga iyo macalimiinta
fikrad taban(Negaive ah)
ilmahaasi ma helayo koritaanka nafsiga ah eek u dhisan aaminaada naftiisa iyo
waxsoosaarka dhanka iskuulka.
(Baraarujin :goobaha waxbarashada iyo
gurigaba waa in ayka helaan dhiirigalin,jacayl iyo naxariis iyo sidookale edbin
aan kudhisnayn ciqaab iyo caga juglayn.)
Marxalada 5aa.(Aqoonsiga Nafta ama Jahawareer)
Marxaladani waxay bilaabataa 12jir laga soo bilaabo waxayna dhamaata da'ada 18 jirka, culimada qaarna waxay sheegan numberkale balse waxaa loobadanyey 18 ilaa 19jir.
Heerkani waa marka qofku gala marxlada qaangaadhka ee uu jidhkiisa iyo naftiisuba isbadalayso,
waa marka ay ka baxayaan caruurnimada ee ay isku badalayaan qofweyn oo masuul
noqda, waa marka cibaadada ilahay ku waajibayso, qofkii yaraa ee masuulka laga Ahaana ay ubilaabato inuu
isagu masuul noqdo hadba nooc aytahay iyo hadba intay leegtahayba.
Wakhtigan waa
wakhtiga ay da’ayartu bilaaban inay
samaystaan fikradahooda iyo waxyaalaha iyaga ay muhiimka u arkaan, waxay lasobaxaan waxyaalo gaar ah oo
ayqiimeeyaan oo laga yaaba inuu ka duwanyey midka aad adiga waalid ahaan aad
muhiimka u aragto. Hubka culus ee ay gaasta ka qaatan waa mid guriga gudihiisa
ka baxsan marka heerkan lamarayo.
Xaaladan marka lagu jiro waxaa ladhaha marxalada wada hadalka iyo isfahanka, waana
daaqada waalidka ufuran inta badan, gaar ahan 15jir ilaa 20jirka. Qofku markuu heerkan kujiro hadii aanu
shakhsiyadiisa helin naftiisana
aqoonsan, aadbay u adagtay inuu gaadho self-identity giisa markale. Waa wakhti
aad u muhiim ah in dhalinyartu is hesho laguna hago sidii ay uhelilahayeen
aqoonsiga naftooda ee gudaha shakhsiga
ka imanaya.
Tusaale: hadaad naftaada dadkala duwan waxka waydiiso waxaa laga yabaa inuu qofba wax kugu
tilmaamo,lakiin waxaa ugu muhiimsan adigu naftaada waxaad ka aaminsantay, qofbaa laga yabaa inuu kuu arko inaad
kalsooni lahayn lakiin kalsoonida waxkastaaba waxay isugu soo biyo dhacan adiga
waxaad naftada, awoodaada, ka aaminsantay waana taas ta aad waxku qabsankarto
kartidaada iyo wax soosaarkagana aad ku so bandhigi karto.
Marxalada 6aad.(Yeelashada xiriirada/dhexgal bulsho ama
inuu qofku bulshada ka dhexbaxo.)
Marxaladaan waxay kabilaabataa markay dhamato
marxaladii 5aad, 19 jirka waxaana lagu
qiyaasa inay dhamaato da’ada 40jirka.
Da’ahaani waa wakhtiyada qofku uu
raadiyo nolol isaga u gaar ah uu samaysto, saxiibo, lamaane, uu samaysto waa wakhti muhiim ah oo qof uu sameysto xidhiidh
lamaane, caruur koriyo isaguna uu hogaamiyo natiijada jacaylkaas ama
xidhiidhadaas ka soobaxda, dadla dhaqan shaqo abuur iwm.
Marxalada7 aad.(Wax soo saar ama fadhiidnimo)
Marxalada 7aad
waxay kabilaabataa da’ada 40jirka iyo
wixii kasii sareeya waxayna kudhamaata ilaa 65jirka wixii loogaadho , wakhtigan
waa wakhtiyada u ilahay nabiyada udooran jiray inay qaadan masuuliyada waxyiga
iyo hogaaminta, waa wakhtiyada loobadanyey inay qofka koritaankiisu
dhamaystirantay, khibrad iyo waayo
aragnimana uu yeeshay uu waxku hagaajiyo taladiisa iyo waxqabadkiisana laga
sugayo inuu ubato dhinaca wanaagsan(positive) .
Qofka bini adamka
ahi hadii uu kafaaiidaysan wakhtigii uu
kujiray marxalada 6aad waxaa lagama maarmaan ah inuu kafaaiidaysto
marxaladiisan 7aad markuu soogaadho, oo uu naftiisa dib udhis iyo koritaan
dhinacyo badanleh kusameeyo si aanu
jaaniska mar labaad ulumin.
Marxalada 8aad
Marxaralada
udanbeysa waa heerka ugu muhiimsan
qofka bini aadamka, waa marka uu noloshiisa inta badan midhaheeda guranayo
aduunka dhexdiisa, dad iyo duunyo wixii uu kusoo tabcay ay garbihiisa
taaganyihiin, tusaale haduu macalin ahaa wuxuu soo saaray boqolal aqoonyahan,
haduu waalid ahaa wuxuu soo koriyey oo kusoo tabcay dad waanay faraxgalinaysaa,
haduu dhakhtar ahaa wuxuu caawiyey ama daryeelkooda caafimaad sabab ugu noqday oo uu ku helayaa
farxad,suruur,kalsooni, khibrad, iyo
cilmi dheerad ah.
Dhamaan dadka nolosha wax wanaagsan soo tabcay
markay noloshooda dib u eegan waxay helaan QANAACO IYO XIKMAD,
khibradaas kusoo noqonaysa ayaana farxad dheerad ah intooda badan ku
abuurta, waxay dareeman qanaaco nafsi ah, iyo farxad nafsi ah gaar ahaan dadka
msulimka ah. Waxaa kasoo maaxda xikmad ay dadka yaryar dhageystaan markay
kasheekeyan nolosha waxay soomareen, waxyalaha ay isku culaysin jireen balse
hada aanay wax weyn u arkayn, waa wakhtiga ugu badan ee xikmada iyo khibrada
laga reebo ama laga qoro.hadaba qofku
markuu noloshiisa dib u eego hadii uu
qofku guuldaraysto nolosha ikhtiyaaradii
uu doortay, ama waajibaad kii Saarna oo uu dayacay hanoqoto wakhtigii, caafimaadkii, dhalinyaro nimadii
iyo fursadihii qaaliga ahaa ee uu san ka soo faaiidaysan midkay noqotaba waxaa
lasheegay inay dadkaas intooda badan kudhacaan xanuunada isku buuqa iyo
qoomamada.
Hoos noogu reeb fikirkaaga

0 Comments