Tarbiyeynta toosan
Tarbiyada
awlaadu waa sidii geed la beerayo oo kale, geedkaasi wuxuu u baahanyey in si
joogto ah loo waraabiyo biyo, oo la toosiyo si aanu u qaadhin, ama u qaloocan,
hadaba ubadkuna waa sidaas oo waliba baahidoodu ka sii baaxad badantay.
Qofkasta
oo barbaariye ahi maaha mid u diyaarsan
sidii uu ubeeri lahaa awlaad toosan, oo ka dhisan dhinaca akhlaada, cilmiga
diinta,aqoon maadi, dhexgalka bulshada
iwm. Balse qofkasta oo barbaariye ahi waa mid looga baahanyey inuu ku
baraarugsanado sidii loo toosin lahaa
ubadka, loogana ilaalinlahaa tacadi iyo tarbiyo xumo labadaba.
Tarbiyeyntu maaha caado dhaqameed.
Dadbadani
qaabka ay wax utarbiyeeyan waxay la xidhiidha qaabkii iyaga markay yarayeen
looso tarbiyeeyey, balse tarbiyada saxda ah ee larabo inay midho wnaagsan soo
saarta waa mid cilmi ku dhisan. Markay tarbiyadu noqoto caado dhaqameed aad
kasoo aragtay waalidkaa,ama wixii hareerahaaga ka dhici jiray waxaa badanaysa
qaladkaaga, waayo waxaa laga yabaa waxbadan oo aad soo aragtay inay qaldanayeen
oo ayku socdeen cilmi la’aan, naxariis la’aan iyo waliba sharci la’aan.
Hada
ubadkeena si aan uga helno naxariis, jacayl iyo waxbadan oo ay naftu jeceshay,
waxaa lainooga baahanyey inaan marka hore iyaga tusno si ay uga soo noqoto.
Buug badan oo aan akhriyey waxaa ay dhamaantood soo khulaasaynayaan caruurta
markay yaryar yihiin in nolosha loogu dadaalo, oo lawaraabiyo jacayl iyo wanaag
badan, lagana ilaaliyo tacadi iyo nolol dhibadan.
Sababtuna
waxaa weeye; markuu waynaado wuxuu raadin doona noloshii yaraantiisii uu kusoo
koray, noockasta oo ay ahaydba markasta
oo uu xasuustiisa dib u celiyo wuxuu dareemaya inuu wax muhiim u ah naftiisa
iyo noloshiisaba tabayo, tusaale hadii uu jacayl kusoo koray jacaylkaas ayuu
bixin doona oo uu siin doona dadka noloshiisa kusoo kordha, hadii uu nolol
quruxbadan kusoo korayna uma adkaysan karo nolol xun oo silic ah.
Waxaan
aragnaa dad badan oo dad dhibaato kuhaya aan ka hoos bixikarin ama aan
aaminsanayn inay ka raysan karaan hadii ay ka baxaan noloshooda, taasi
xaqiiqdeeda oo cilmiyeysan baadhitaano badan ka bacdi waxay sheegaysaa inay
salka ku hayso wax saamayn ku leh qofkaas noloshiisii hore, environment gii uu
kusoo koray iyo Qaab koritaankii noloshiisa yaraantii.
Ubadka waa u muhiim Kalsoonidu.
Kalsoonidu
waxay muhiim utahay mustaqbalka
caruurta, waxay qayb laxaadleh ka
qaadataa farxadooda caafimaadkooda maskaxeed iyo midka jidhkaba.
Kalsoonida
waxaa lagu tilmaama sida iimaanka oo kale oo macnaheedu tahay inay marna
naaqusto marna siyaado, hadaba inaga kawaalid ahaan ama barbaariye ahaan waxaa
muhiim ah in aan ku baraarugsanahay muhiimada ay kalsoonidu uleedahay guud ahan
dadka gaar ahaan inlagu barbaariyo caruurta markay yar yaryihiin.
Kalsoonidu
waa wax si fudud u dhaawacmi
kara, kumana xidhna da’a gaara ama dad khaasa, balse caruurta waxaa dhaawaca
canaanta badan, dhaleecaynta, cayda, jidh dilka, dhinaca kale
kalsoonidu waa wax aad ufudud
inla dhiso qofka hadii uu helo dhiiri gelin,
daryeel, naxariis lagana dhaadhiciyo inuu samaynkaro iwm.
Bulshooyin badani wayka gudbeen dhibaatooyin badan oo
ragaadiya bulshada,oo ayka midtahay tarbiyada oo aas aaskeedu qaldamo.
Tarbiyada oo aas aaskedu qaldamaana waxay dhalisaa cawaaqib xumo aad ufara
badan oo ay ka dhaxlaan dhalaanku, kadibna saamayn ku yeelata noloshooda danbe,
ilaa ay iyaguna gudbiyaan dadka ay la macaamili doonan iyo kuwa ay barbaarin
doonanba.
Tusaale bulshada somaalidu waxaa caado u ah in
caruurta ad adayg iyo naxariis daro badan lagu koriyo iyadoo ilmihii aad u da’a
yaryahay ayaa laga yaaba in reer dhan uu guriga uga shaqeeyo isagoo aan jidh ,
ahaan, caqliga ahaan midna aan wada
adkaanin, (Gaar ahaan hablaha). Waxaa u raacda ilmahaas yar in hadii uu
wax qaldo ama qaribo loogu daro canaan iyo dagaal , iyo wax dhibaato usii
gaysta dareenkiisa gudaha iyo jidhkaba. Iyadoo intaas ba uu kala kulmayo dhibaatoyinkala duwan
hadana taas waxay ka dhigaysaa qof noloshaas rafka ah ku adkaada oo ilmahaas
laftiisa iyo inta lamidka ahiba ufahmaan inay tahay nolosha saxda ah ee uu
ubaahna inuu maro si uu nolosha isaga caabin karo mustaqbalkiisa dhaw iyo mid
dheerba. waxaanay noqonaysaa caado dhaqameed foolxun oo lakala dhaxlo, loona fahmo inay tahay wax sax ah oo ku dhisan cilmi ama wanaagba.
Sida aynu ka barankarno siirada Nabigeena scw barbaarintu marxalado ayey martaa taas oo loo qaybiyey 7dii sano ba in qaab loola dhaqmo, waana ta ay hada ku dhaqmayaan dawlada badan oo ku guulaystay inay ilaaliyan daryeelka caruurta hoos joogta ee magangaliyada u ah dawladaas. Balse nasiib daro caruur badan oo somaaliyeed iyo kuwo muslimiin ahiba dalkooda waxa ayka waayeen xuquuqdii allah uu siiyey, daryeel, iyo tarbiyo wanaagsan intaba. wadama badan oo reer galbeedka ah waxaa laga cabsadaa caruur la qaato, mana jirto caruur la iska qaadankaro marka laga reebo meelo qaladaad ka dhaco, balse waxaa lasoo fara galiyaa cidii lagu helo 4 qodob midkood (emotional abuse , physical abuse, financial abuse or any other neclect). Taas oo macnaheedu tahay in ilmaha loo gaysto tacadiyo la xidhiidha dareenka nafsiga ah, jidhka, dhaqaalaha oo aan ilmihii jidh ahaan la daryeelin dhar ama dhuniba ama dayac kasta oo soo hoos galikara arimahaas.
dawladaheena somaliyeed waxay ku guldaraysteen in ay ilma
yar oo 10 jir gaadhin hadii uu tacadi ku dhaco, sida kufsiga aanu xaqiisa
helin, caruurta hadii waalidku dayaco
ama duruufi ku dhacdo daryeel iyo
tarbiyaba waxay xaq ugu leeyihiin dawlada iyo shicibka ay hoos joogan.
Awlaadu
waxay ubaahanyihiin inlagu koriyo, jacayl, naxariis, utudhid loo tudho
dareenkooda iyo jidhkoodaba,caruurta lagu barbaariyo dhiiri galinta, ikhtiyaar
siin, laga ilaaliyo canaanta badan, markay wax qaldaan aan lagu qaylinini lama
kalsooni noqdaan ilmaha ikhtiyaarka laga qaado, dhiiri galin aan lasiinin ama
markay wax qaldaan la canaanto.
Tusaale
ilmaha markuu yaryahay ee uu far’baradka yahay markuu qalinka siqaldan uqabsado
ama mudo kuqaadato inuu xuruufta si saxa uqoro
Barbaariye/waalidka wuxuu kubilaaba dhiirigalin isagoo adeegsanaya
erayadan( woow/aadbu ufiican yahay qoraalkagu/ waadka siifiicnan ee qor.
Markaasu ilmuhu kalsooni iyo degenan
dareema.
barbaariyena
wuu ku canaanta oo wuxuu dhaha sifiican wax uqor/,maxaa kaa qaldan, doqonyahow/ doqonyahay, sidaan kuu tusay
qalinka u qabo ilmahaas kalsoonidiisu way yarata qaar badan wuxuuna ka cabsadaa
inuu wax qaldo. Hadaba adigu akhriste keeba tahay labadaas nooc?
Macalinka/ iyo barbaariye kasta maxaa la gudboon:
Macalinka
waa masuulka 2aad ee wakhti badan ay la
qaatan da’ayartu wakhti si joogto ah, marka guriga laga soo gudbo.Macalinimadu
waa masuuliyad, taas oo ay muhiim tahay
inaad ku darsato gudbintaada sidii aad uga qayb qadan lahayd ilmahaan tarbiyadiisa
iyo ka warqabkiisa duruufaha ku xeeran, taas macnaheedu maaha inaad adigu midkasta
xalkeeda lagaa sugayo lkn waa inaad u dhibrinkarto, unaxariisan karto,
waraysankarto.
La
sheekayso, la soco duruufta ardaydaadu ku suganyihiin, hadaad maamule tahay iyo
hadaad macalin tahayba, waa masuuliyad lagu waydiin doono, adoon waxbadan u
qaban Karin hadana diin teenu waxay inoo sheegtay kalimada waanaagsani waa
sadaqo.
Waxaa
dhacda ilmo gurigii dhibaato ka haysato,la nool murogo ama gaajo , farxad la’aan
iyo wixii lamida hadana macalimiintu ay
moodan inuu kibir iyo qalqaali nimo duruusta u baran la’ayahay, qofkasta oo
bini aadam ahina 2 jeer wax ma xifdinkaro , diiradana (focus) masaari karo
markuu MURUGAYSAN yahay iyo markuu GAAJOONAYO.
Macalin iyo waalid ba daryeelkeenu ha noqdo mid saamayn leh
Waxaan
rajaynaya inaad kafaaiidaan qoraladeena aqoon dhiska bulshada, hadii
qoraalkeena aad ka faaiiday fadlan lawadaag waalidiinta iyo barbaariye kale si
aykuula faaiidaystaan
Fikirkaaga
commentga noogu reeb.
.

0 Comments